Hawlaha Ka Baxsan Xarunta Gudaheeda

In kasta oo ay shaqada inteeda badan ka dhacdo Xarunta Dhaqanka gudaheeda, haddana waxa khasab ah in mararka qaarkood laga gudbo xadka magaalada iyo ka dalkaba. Safarradani waxa ay noqon karaan kuwo aqoonkorodhsi iyo kuwo tababarro cid kale la siinayo ah labadaba. Safarradaas waxa ka mid ah kii u dambeeyey ee bishii 12-aad 2017 lagu tegay Kigali, Rwanda.  Caasimadda Rwanda ee Kigali waxa isugu imanayey dhowr iyo labaatan qof oo isugu jira halabuur iyo ururro halabuurka dhiirri geliya ama siyaabo kala duwanba ula shaqeeya. Arrinta xiisaha leh ayaa ahayd in ay dhammaantood xiisaynayeen in ay wax ka ogaadaan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ay in badan warkeeda maqleen. Waxa dhacaysay in xiisaha loo qabo Xarunta iyo gebi ahaanba Somaliland uu hadheeyo ururradii kale ee dhiggooda ahaa.  Wax la kaydsado dad baa u mudan, Xaruntuna waxa ay rejaynaysaa in dhowaan la arki doono midhaha ka dhasha wadashaqaynta halabuurka Afrikaanka ah iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Tababbarka Digital Storytelling

In ay bulsho yeelato muuqbaahiye aan ahayn ka guryaha yaalla, balse ah mid si fudud looga heli karo Baraha Bulshada, dhowr daqiiqo gudahoodna ku gudbin kara macluumaad muuqaal ballaadhan bixinaya, ayaa noqotay lagamamaarmaan tobankii sanno ee u dambeeyey. Qodobkani waxa uu ahaa mid lagaga horreeyo Somaliland, welina wuu yahay. Nasiibwanaag waa ay joogaan sawirqaadayaal caan baxay oo dunida laga yaqaanno, laakiin Somaliland ma laha kuwo la mid ah oo maqal iyo muuqaal u gudbin kara habka casriga ah ee maanta la adeegsado.

Tababbarkani waxa uu ahaa mid taas wax ka beddeli karaya, soona saari kara dad aqoonta “Digital Storytelling” leh.

Waxa is diiwaan geliyey 30 dhallinyar ah, yimidna maalintii tababbarka. Waxa casharkan bixinayey Princely H. Glorious oo ah muwaaddin reer Tanzania ah, balse muddo bil hawlo shaqo u joogey Somaliland, martina si gaar ah ugu ahaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Princely waa sawirqaade khibrad dheer u leh tebinta sheekooyinka ee habka muuqaalka casriga ah. Maadaama oo uu marti u ahaa Xarunta Dhaqanka, waxa uu go’aansaday in uu ku darsado waxqabadka Xarunta, tababbarkan.

Waxa halkaas ka soo baxay dhallinyaro fahmay heerka ay ka gaadhi karaan mihnaddan, haddii qof ama laba ay ka soo baxaanna, ay wax badan ka beddeli karaan sida ay imika xaaladdu tahay.

Caweyska Suugaanta

Caweys ka mid ah kuwa loogu jecel yahay ayaa sidii looga bartay habeenkan madasha keenay saddex dhallinyar ah. Khadar oo aad caan ugu ah jacburka ayaa dhowr maanso goobta ka tiriyey, mid ka mid ahi ay ahayd baroordiiq uu u sameeyey, Alle ha u naxariistee, Macallin Xasan Cawaale. Hodan waxa ay ka maansootan tahriibka, Maariya Cismaanna jacaylka ayay maanso dheer ku xustay.

Daahfurka “50 Sheeko iyo Sheeko”

Maxamed Xasan Cali “Weji” waa suugaanyahan, murtimaal in badan ka soo shaqeeyay idaacadda Radio Hargeysa. Weji waxa uu aad caan ugu yahay curinta sheekooyinka gaagaaban, balse ay murtidoodu aad u cuddoon tahay. Waa laba shay oo aan inta badan la midayn karin, se uu isagu ku guulaystay, hibana u leeyahay. Konton sheeko oo ka mid ah sheekooyinkaas tirada badan, ayuu meel isugu geeyey oo uu habeenkan soo bandhigay.

YAASMIIN MAXAMED KAAHIN

Daaddihiso: Khadra Maxamed

Yaasmiin Maxaxmed Kaahin waa da’yarta suugaanyahanka ah, alliftana riwaayadaha. Yaasmiin waxa ay safar dheer ugu kacday gobollada waddanka oo dhan. Socodkeedu waxa uu isku xidhayey Awdal ilaa Sool iyo inta u dhaxaysa. Safarkeedu waxa uu daarraa bandhigga riwaayadda ay alliftay ee la yidhaahdo “Dhiifta waaya iyo dhallin warkeedii”. Taas waxa u dheeraa in ay gobol kasta u wadday maanso u gaar ah.

Socdaalkan oo muddo qaatay ayaa lagu soo gunaanaday caweyskan. Waxa goobta lagu daawaday muuqaal soo koobaya socdaalkeedii iyo wixii ay kala kulantay gobol kasta. Taas waxa dheeraa maansadii gobolka Maroodijeex oo ay ugu luuqaysay. Caweyska waxa dhextaal u ahaa heeso kaban ah.

Daahfurka Maansada “Xeer-ku-dirir” iyo Xasan Dhuxul “Laabsaalax”

Daaddihiso: Yaasmin Maxamed Kaahin

Xasan Saleebaan Dhuxul oo loo yaqaanno “Laabsaalax” waa aas-aasaha Xiddigaha Geeska, ahna halabuurka allifay heeso aad u badan oo ay qaadaan fannaaniinta kooxda iyo kuwo kaleba. Xasan waxa lagu bartay samaynta heesaha, haddii ay tahay ereyada iyo laxankaba. Balse caweyskan waxa uu soo bandhigayey maanso uu ugu magac daray “Xeer-ku-dirir”. Maansadan oo uu kula dardaarmayey hoggaamiyayaasha xisbiyada qaranka iyo dhammaan mas’uuliyiinta xilalka u haya dawladda, waxa daahfurkeedii ka soo qayb galay marti ay ka mid yihiin abwaanno xubno kale oo dawladda ka socday.

Maansada “Xeer-ku-dirir” waxa ay la hadlaysay bulshada reer Somaliland oo dhan, balse waxa ay si gaar ah ugu socotay qof kasta oo dadka xil u haya am araba in uu u qabto.

Waxa kale oo goobtaas joogay Xiddigaha Geeska oo halkaas ka qaaday heeso dhowr ah oo ay ka mid tahay heesta “Hankaagu ha dhaafo reer hebel.”

Caweyska Suugaanta

Daaddihiso: Khadra Maxamed

Sidee loo dheellitiri karaa golaha suugaanta ee dalka? Sidee ayaa se loo dhiirri gelin karaa hibooyinka aan la dhaadanayn ee dalka gobol walba jooga? Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa ay bilowday in ay saamayn ku yeelato arrintan, waxna ka beddesho sida ay imika tahay. Habeenka “Caweyska Suugaanta” ayaa ah mid ay u siman yihiin dhammaan dhallinyarta uu Ilaahay hibada u siiyey tirinta suugaanta, lab iyo dheddig, gobol kasta oo ay joogaanba.

Deeqa Nuux Yoonis, Maxamed Galaydh, Ibraahim Xagar iyo Cabdiqani Mandela waa dhallinyar ka mid ah kuwa maanta ay tahay in la siiyo masrax ay suugaantooda ku soo bandhigaan, lagana faa’ideysto. Caweyskan waxa ay afartoodu ku soo bandhigeen, dadka 300 kor u dhaafay ee fadhiyana ay la wadaageen suugaan dhinacyo badan taabanaysa. Haddii ay noqoto wadaniyadda, toosinta jiilka ay ka midka yihiin iyo dhanka jacaylka, intaba.

Haweenka iyo Garsoorka

Daaddihiso: Nuural-huda Cali Banfas

Waxa in badan laga faalloodaa sida dhibbanayaasha dheddig aanay mararka qaar u soo bandhigan karin dacwaddooda maadaama ay raggu aad ugu badan yihiin goobaha garsoorka oo dhan. Laga yaabaa in ay qofka dumarka ahi ka xishooto in ay ka warranto faldambiyeed iyada ka dhan ah, amaba sababo kale awgood aanay ugu sheegan karin ragga. Taasi waa marka laga eego dhanka dhibbanaha. Dhanka kale ee dhallinyarta iyo in ay u sinnaadaan tacliinta dalka taalla, inantuna ay shaqo ku heli karto wixii ay soo baratay, iyada oo aan lagu faquuqay dheddignimadeeda.

Nasiibwanaag, taasi waa ay soo yaraanaysaa xilligan la joogo, walow ay hawl badani dhiman tahay. Haween badan ayaa ku jira ciidanka amaba dembibaadhayaal ah, tirade haweenka ee qareennada ahi waa ay soo kordhaysaa, qaarkoodna waxaba ay ka shaqeeyaan xafiiska xeerilaalinta.

Hibo waxa ay ka baxday jaamcadda sannadkii 2012, imikana waxa ay xeerilaaliye ahayd laga soo bilaabo 2014-kii. Farduus, sidoo kale 2012 ay waxbarashadeedii dhammaysay, maantana waa qareen. Xubinta saddexaad ee caweyskan goobjoogga ahayd waa Hoodo oo ah dembibaadhe.

Garsoorka Somaliland iyo dardargelinta in la kordhiyo tirada haweenku waxa ay saamayn yeelatay ka dib kulankii ay Wasaaradda Caddaaladdu soo agaasintay sannadkii 2008-dii. Shirkaasi waxa uu wax ka taray ka-qaybgalka haweenka ee nidaamka caddaalada ee dalka.

HAVOYOCO

Daaddihiso: Farduus M Dheere

Barnaamijkani waxa uu daba socdaa ama uu ka mid yahay mawduuc taxane ah oo lagaga doodayo dhallinyarta iyo shaqala’aanta baahsan ee haysata. Weydiinta salka u ah dooddani waxa ay ahayd, “Ma shaqala’aan ayaa jirta mise shaqaysila’aan?”

Dad badan ayaa ku dooda in ay jirto hoosudhac ku yimid rabitaanka dadka ee ah in ay qabtaan shaqo aanay u arkayn in ay tahay tii ay qalbiga ku hayeen. Khasab miyaa in xafiis laga shaqeeyo, suurtagal se ma tahay in ay dhammaan sidaa la yeelo? Haddiiba aad hore u heli weydo shaqadii aad wax u soo baratay, ma jirtaa tababarro saa’id ah oo aad qaadan karto si aad xirfaddaada uga dhigto mid soo jiidata shaqabixiyaha?

Martida barnaamijkani waxa ay ahayd hay’adda Havoyoco oo ah hay’ad si dhow ula shaqaysa dhallinyarta, bixisana tababarro iyo waxbarashooyin xirfadeed oo qofka u sahla in uu si fudud shaqo u helo. Cabdillaahi Maxamuud Xasan oo ah maamula guud ee Havoyoco ee Somaliland ayaa ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee ay u hayaan dhallinyarta, si ay suuqa shaqada hore ugu geli karaan. Waxa uu sheegay in ay muhiimadda siiyaan dadka aanu dhaqaalahoodu wanaagsanayn, hadhowna kuwooda dhibcaha sare keena ay u hayaan fursad ah in la deymiyo kharas raasamaal ah oo uu meherad ku furan karo.

Fu’aad Cabdillaahi oo ah Tababare Sare oo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Havoyoco ah ayaa dadka uga warramay sida ay tababarradaasi qofka ugu fududayn karaan in ay shaqo helaan. Waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in marka uu qofku shahaado jaamacadeed sito, uu qaadan karo tababar farsamada gacanta ah oo wax badan ka taraysa mustaqbalka qofka.

Cabdishakuur Cali Aar oo ah Madaxa Barnaamijyada Horumarinta Dhalliyarada ee Havoyoco ayaa sheegay in ay jirto jid kale oo uu qofku mari karo, jaamacadduna aanay ahayn mid ay qasab tahay in la wada maro.

Caweyska Suugaanta

Daaddihiso: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Caweyskani waxa uu ka mid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ka dhacay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa intii ka dambeysay Carwada Buugaagta. Dadka ka soo qayb galay oo kor u dhaafay 800 oo qof ayaa diyaar u ahaa in ay dhegaystaan, muuqaalkoodana ka bogtaan afar abwaan oo ah kuwa ay dhallinyartu aad ugu xidhan tahay xilligan. Cabdiraxmaan Abees, Cabdiqaadir Qalinle, Xasan Dhuxul “Laabsaalax” iyo Cabdillaahi Xasan “Ganey” ayaa caweyskan suugaantooda qayb ka mid ah u soo xulay bulshada soo hor fadhiday iyo kuwa sida tooska ah hawada uga la socdayba.

Mawduucyadu waxa ay isugu jireen kuwo wacyi bulsheed ah iyo kuwo madadaalo ah, labadaba. Sidee loo dabar jaraa qabyaaladda iyo faquuqa noocyadiisa kala duwan? Sidee bulshadu ku noqon kartaa mid caafimaad qabta? Sidee se loo sixi karaa khaladaadka jira iyada oo aan la lumen waxa la wada leeyahay? Suugaantu miyay ka saamayn yartay tii qarnigii hore dabayaaqadiisii la tirin jirey? Haddii ay sidaas tahay, waa maxay sababtu? Waa weydiimo lagaga jawaabay tix iyo tiraab labadaba.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form





Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa