Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay maanta si wadajir ah uga fuliyeen wacyigelin ku saabsan ka-hortagga Cudurka COVID-19 ee uu keeno Fayraska Karoona Goob-dalxiiseedka Laasgeel iyo tuulada Dhubbato

902 Views

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay maanta si wadajir ah uga fuliyeen wacyigelin ku saabsan ka-hortagga Cudurka COVID-19 ee uu keeno Fayraska Karoona Goob-dalxiiseedka Laasgeel iyo tuulada Dhubbato, iyadoo farriinta la gaadhsiinayay dhammaan degmada Laasgeel.

Wacyigelintan oo Wasaaradda iyo Xaruntu ugu talogaleen dhammaan goobaha dalxiis ee Jamhuuriyadda Somaliland, maantana ka bilaabantay Laasgeel, waxa ay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Xaruntu kula dardaarmeen shaqaalaha goobta iyo goobaha ganacsi ee tuuladaba feejignaan dheeraad ah, waayo waa goob la soo booqan doono markasta.

Xoghayaha Degmada Laasgeel, Mustafe Suudi Axmed oo ay weheliyaan hawlwadeennada caafimaadka ee degmada, Agaasimaha Waaxda Aataarta ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Ayaanle Cabdiraxmaan, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Iid Xasan, iyo hawlwadeennada Xarunta Jacfar Maxamuud Gaaddawayne iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar ayaa kala hadlay bulshada Laasgeel farriimaha kala duwan ee wacyigelintu xambaarsanayd.

Ugu danbayn waxa wacyigeliyeyaashu ku wareejiyeen agab faraxal, nadiifin jidh, masarro afxidh iyo faragalisyo kala duwan oo u gaar ah shaqaalaha goobta dalxiis ee Laasgeel.

Wasaaradda iyo Xaruntu waxa ay ka sii wadi doonaan wacyigelin la mid ah tan goobaha dalxiis ee kale ee waddanka.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa