XARUNTA DHAQANKA EE HARGEYSA OO DIB LOO FURI DOONO 15-ka-JULAAY

2,705 Views

 

XARUNTA DHAQANKA EE HARGEYSA OO DIB LOO FURI DOONO 15-ka-JULAAY

Sida la ogsoon yahay, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa in dhawayd xidhnayd islamarkaana joojisay munaasibadihii dadweynuhu iskugu iman jireen ka dib markii lagu dhawaaqay bayaan qaran oo la xidhiidha xanuunka Covid-19, masiibadan oo bilaabatay badhtamihii bishii Maarj. Waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in Xaruntu ay ugu adeegaysay dadkeeda muddadaas iyada oo loo adeegsanayo tabinta tooska ah (virtual) lana bilaabay bishii Meey 2020.

Haddaba, go`aammadii kasoo baxay Guddiga Heer Qaran ee ka Hortagga Xanuunka Covid-19 ee Somaliland, kuwaas oo ku saabsanaa in la mamnuucay in dadweynuhu isugu yimaadaan ayaa dhamaantood la laalay, sidoo kale xarumo badan ayaa qorshaynaya in ay dib ugu laaban doonaan hawlahoodi maalinleha ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, iyada oo la raacayo go`aammadaas, xaruntuna ay sii wadi doonto adeeggeeda tebinta tooska ah, Xarunta Dhaqanka Hargeysa waxay jeceshahay inay ogeysiiso dhammaan bulshoweynta ku xidhan in xaruntu dib u furi doonto dhammaan adeegyadii dadweynaha (Sida, rugta buugaagta, qolqolka shaxanka iyo munaasibadihii Dadweynaha) laga
bilaabo 15ka Julaay, 2020.

Xaruntu waxay sii wadi doontaa inay noqoto goob u furan dhammaan bulshada kaladuwan ee ku nool Somaliland, waxayna sii wadi doontaa inay u adeegto qaabab kala duwan. Sidaas awgeed,waxa farxad weyn noo ah inaan idinku wargalino isla markaana idinku casuunno in aad nagala soo
qeybgashaan, wada hadallada, doodaha iyo munaasibadaha madadaaladu aanay ka madhnayn ee Xarunta ka dhici doona dhawaaan.

###
Faahfaahin dheeraad ah, halkan ka akhri (https://www.facebook.com/XaruntaDhaqankaHargeysa/).
Sidoo kale nagalasoo xidhiidh taleefankan: +252 63 3628220 ama Email-kan: info@redsea-online.org

 

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa