XARUNTA DHAQANKA EE HARGEYSA OO QABANQAABINAYSA BARNAAMIJYO TOOS AH

1 View

                                    Faafin hadda ah

                                                                                                                                                           La xidhiidh: Hargeysa Cultural Centrer
Telefoon: +252 63 3628220 | E-mail: info@redsea-online.org

 

                           XARUNTA DHAQANKA EE HARGEYSA OO QABANQAABINAYSA BARNAAMIJYO TOOS AH

                                               U adeegidda bulshada iyadoo khadka toos ah la adeegsanayo

 Hargeysa, Somaliland, Juun 02/ 06/ 2020 – Dunidu maanta waxay la tacaalaysaa xanuunka COVID-19 kaas oo galaaftay tiro badan oo nolosha baniaadamka ah dunida oo dhan. Iyadoo ka hortagaysa faafitaanka xanuunkan ayey Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah. Dhawaaqaas waxaa ka mid ahaa xidhitaanka goobaha waxbarasho iyo dusgiyada si loogu hoggaansamo tallaabooyinka ka hortagga ah ee ay dejiyeen Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) gaar ahaan kala-fogaanshaha bulsheed iyo in guriga la laasimo. Iyadoo raacaysa baaqii Xukuumadda Somaliland, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay xidhay xaruntii islamarkaana bilowday in shaqooyinka lagu fuliyo guriga iyadoo kana qayb qaadatay olole wacyigelin ah oo ay ka mid yihiin samaynta muuqaallo tusaalaynaya bulshada reer Somaliland habka ay ugu hortagi karaan faafinta xanuunkan COVID-19 iyadoo markaa la kaashanaysa hay’addaha ku shaqada leh.  Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa kale oo ay ugu deeqday deegaanka Laasgeel agab lagaga hortagayo faafidda xanuunka isla markaana u qaybisay shaqaalaha goobta qaadiimiga ah ee Laasgeel iyo dadka deegaankaa qoraallo sawirro u badan oo wacyigalinta ka hortagga xanuunka ah.

Muddadii ay shaqaalaha Xaruntu shaqooyinka ka wadeen guryaha, waxaa loo kuurgalay siyaabaha kala duwan ee Xaruntu u sii joogtayn karto adeegyada ay bixin jirtay ee bulsho iyadoo la adeegsanayo madalo ka duwan kuwii hore waxaanay ku guulaysatay inay hirgeliso madal khadle ah taaso suuragalisay in lasii joogteeyo barnaamijyadeedii iyadoon Xarunta la iskugu iman sidii caadada ahayd. Madalaha cusub ee khadka internet-ka la isticmaalayo Xaruntu waxa ay ka fulisey barnaamijyo tijaabo ah, tusaale ahaan barnaamijki 18ka Meey taasoo ay daawadeen dad ka badan 44Kun hubisayna wax ku-oolnimada isticmaalka madashan. Xaruntu waxa ay toos u bilaabi doonta oo toddobaadkii 2 goor isticmaali doonta adeega Zoom-ka oo ku xidhiidhsan aaladda internet-ka laga bilaabo bishan Juun 3deeda. Barnaamijyada innagu soo socda waxa ka mid ah kuwo diiradda saari doona xanuunkan sadhada ah iyo cawaaqibkiisa, sidii loo caawin lahaa bulshada inay helaan xog ku saabsan si ay ula dagaallamaan fayraskan.

Sidaa awgeed, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxay ogaysiineysaa dhammaan qaybaha bulshada in kala socdaan barnaamijyada Xarunta khadka internetka ilaa duruuftu saamaxayso in shaqooyinkii Xaruntu sidoodii kusoo noqdaan.

Xog dheeraad oo arrinkan ku saabsan haddaad doonayso, fadlan ka la xidhiidh Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa halkan +252 63 3628220 ama ka la xidhiidh info@redsea-online.org, ama se https://www.facebook.com/XaruntaDhaqankaHargeysa.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa