Tartanka Sheeko iyo Shaahid

9,479 Views

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2018

Tartankii 10aad

Bandhig

Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka (Redsea Cultural Foundation) iyaga oo ka duulaya fikradda aasaaska u ah  jiritaankooda oo ah inay ka qayb qaataan wax kasta oo horumarinaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo ban dhigayaan Kulankii Tobnaad ee ku baratanka Sheeko curinta Toolmoon, “Sheeko iyo Shaahid”.

Sheekooyinka ka soo qayb galayaa ma aha isku ujeeddo, mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dhiirri gelinayaa Sheeofaneedda.

Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2018.

 

Xeerka

Tartanka “Sheeko iyo Shaahid” waxa qeexaya xeerkan.

  1. Waxaa lagu tartamayaa sheeko Af-Soomaali ku qoran oo aan hor daabicin. Ka-qaybgalka tartanku waa lacag-la’aan; waxana uu u furan yahay qof kasta iyo da’ kasta.
  2. Tartanku waxa uu u furan yahay Sheeko male-awaal ah oo kaliya. Nuxurka sheekada qoraaga ayaa u xor ah. Waana sheeko aan hore loo daabicin (buug ahaan, degellada internetka iyo wargays toona).
  3. Qof kastaa waxa uu ku tartami karaa hal sheeko oo keliya.
  4. Waxa lagu tartamayaa Sheeko Dheer. Qoraalku waa in uu noqon karo buug, haddii hadhow la daabacayo. Qeexidda la siiyey Sheeko Dheeri waa in aan qoraalku ka yaraan 36000 oo xaraf oo u dhiganta 20 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf boggiiba). .
  5. Qoraalka waxaa la soo raacinayaa waraaq gaar ah oo ay ku cad yihiin:
    1. magaca qoraaga (ama qoreyaasha),
    2. cinwaanka laga la soo xidhiidhayo (oo ay ku jiraan ugu yaraan lambarka telefoonka gacanta (mobile) ama e-mail midkood),
    3. taariikhda iyo meesha dhalashada,
    4. magaca sheekada uu ku tartamayo.

Waxaa kale oo waraaqdaa lagu soo qorayaa caddayn uu qoraagu saxeexay oo uu ku caddaynayo inuu u yahay qoraaga rasmiga ah ee sheekada curiyey, islmarkaan uu akhriyey, aqbalayna dhammaan farqadaha xeerkan.

  1. Habka iyo goorta qoraalka lagu soo gudbinayo:
    1. Qoraalka waxaa lagu soo gudbin karaa gacanta isaga oo daabacan oo aanay dusha kaga qornayn magaca qoraaga iyo astaan kale toona; waxaa bogga kowaad lagu qorayaa cinwaanka sheekada. Waxaa la soo raacinayaa gal xidhan oo ay ku qoran tahay warbixinta ku cad farqadda 5aad. Waxaa la keenayaa cinwaankan: Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Waddada 26ka Juun, Shacabka, Hargeysa, inta ka horreysa 8.00 habeennimo ee 15/04/2018.
    2. Qoraalka waxaa iyana lagu soo gudbin karaa isaga oo elegtaroonig ah (pen drive, floppy disk ama se e-mail). Waa inuu qoraalku ku qoran yahay qorme caadi ah (text file editor, tex, MS Word, iwm). Waxa bogga kowaad lagu qorayaa cinwaanka sheekada. Waxaa la soo raacinayaa e-mail gaar ah oo gudihiisa ay ku qoran yihiin dhammaan xogta ku cad farqadda 5-aad. Waxa e-mailka loo soo dirayaa inta ka horraysa 12.00 habeenimo ee 16/04/2018 emailka sheeko@redsea-online.org, loona dirayaa nuqul kale info@hargeysaculturalcenter.org. Qofku waa inuu hubiyaa in e-mail kiisa la helay. Haddii aanu jawaabtaas ku helin muddo saddex cisho ah, waa inuu gacanta ka keenaa sida ku cad farqaddan sare. Haddii aanay suuragal ahayn inuu gacanta ka keeno, waa in uu ka eegaa cinwaanka internetka www.hargeysaculturalcenter.org iyo www.redsea-online.com halka laga la soo xidhiidhayo tartanka oo teleefon u soo diraa.
  • Qoraalladu waa inay soo gaadhaan Cinwaannada Xoghaynta (sida ku cad labadan farqadood ee qodobkan 6) inta ka horraysa 12.00 habeennimo ee maalinta Isniinta 16-da bisha afraad 2018 (xilliga Somaliland). Wax allaale wixii soo gaadha xilligaa dabadeed, kama qayb galayaan tartanka.
  1. Qof kasta oo la aqbalo codsigiisa ka-qaybgalka tartanka waxa la ogaysiin doonaa inta ka horraysa 17/04/2018 in uu yahay tartame; lanana socodsiin doonaa halka uu kala xidhiidhayo faahfaahin dheeraad ah.
  2. Guddiga Qiimaynta
  3. Guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof (iyo ugu badnaan 5) ayaa loo saari doonaa qiimaynta sheekooyinka; guddigaasi waxay soo qiimayn doontaa darajada sheeko kastaa hesho iyo ku-guulaystaha kaalinta 1-aad, iyagoo aan ogayn cidda qortay sheekada.
  4. Darajadaasi waxay ku salaysnaan doontaa: bilicda suugaanta; heerka Af Soomaaliga qoran cilmi ahaan; heerka cabbirka mala-awaalka iyo tiraab-wanaagga qoraaga.
  5. Tartame kasta oo toos ula xidhiidha guddiga qiimaynta inta aan lagu dhawaaqin go’aanka, waxay keeni kartaa lumis xuquuqda tartame.
  6. Ehelka tooska ah ee xubin ka mid ah Guddiga Qiimayntu ma tartami karaan, haddii aanu xubinta Guddiga Qiimayntu ka tanaasulin xubinnamadeeda marka ay xubintaasi ogaato in qof ehelkeeda ahi soo tartamay.
  7. Go’aanka Baratanka:

Guulayastaha tartanku waxa uu heli doonaa:

  • Astaan (billadda kowaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay, 1000USD oo lacag caddaan ah, iyo heshiis daabicista buugga (Publishing Contract) oo uu kala heeshiyo soo saaraha Ponte Invisibile (buugfidiyaha Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka).
  1. Go’aanka Guddigu waa kamadambays aan laga ashkatoon karin. Guddiga, oo ka koobnaan doonta xeeldheerayaal suugaanta iyo Af-Soomaaliga, waxaa si gaar ah loogu magacaabayaa qoraal kale oo aan dadka la la wadaagi doonin si loo yareeyo saamaynta Guddida kaga iman karta dadweynaha. Waxa lagu guubaabinayaa baratamayaashu in aanay haba yaraatee la xidhiidhin guddida qiimaynta, xitaa si kama’ ah u ogeysiinin mid ka mid ah Guddida, sheekadooda wax lagu garan karo. Eeg qodobka 8c.
  2. Bandhigga Go’aanka
  3. Laba toddobaad ka hor ku dhawaaqsita guulaystaha, Guddigu waxa ay shaacin doonaan qoraayada u gudbay wajiga labaad ee baratanka (shortlisted)
  4. Ku-dhawaaqista go’aanka tartanka waxaa lagu beegayaa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee sannadkan.
  5. U-gudbayaasha wejiga labaad ee tartanka waxaa si gaar ah loogu marti qaadayaa Xafladda Bandhiga Go’aanka baratanka.
  6. Waxaa xafladda lagu soo marti qaadayaa warbaahiyayaasha waddaniga iyo kuwa kaleba.
  7. Xuquuqda Qoraalka (Copyright) ee sheekooyinka
  8. Xuquuqda Abuurka Qoraalka (intellectual property copyright) waxay mar kasta u dhawran tahay qoraaga sheekada.
  9. Sheekooyinka tartanka ka qayb gala oo dhan maamulka tartanku wuxuu ku sii faafin karaa, kuna daabici karaa buug ahaan ama ku soo saari karaa wargaysyada, degellada internetka, joornaallada iyo si kasta oo uu maamulku markaas u arko wanaag, isaga oo mar kasta xusaya lahaanshaha sheekada ee qoraaga hal abuuray iyo inay ka qayb gashay tartankan.
  10. Sheekada guulaysata qoraageedu waxa uu xaq u leeyahay heshiis daabacadeed caalami ah oo uu la galo Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka. Xeer baa qeexaya heshiiska daabacadda buugga ee ay wadagalayaan qoraaga iyo soosaaruhu.
  11. Ka-qaybgalka tartankani wuxuu ku farayaa oggolaanshaha farqad kasta oo xeerkan ka mid ah. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg: http://www.hargeysabookfair.com, http://www.redsea-online.com, http://www.hargeysaculturalcenter.org amase u qora e-mail info@hargeysabookfair.com.

 

 

RSOL/K – 001/18 International 14/02/2018

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa