Tababbarta Tiraabcurinta Toolmoon

2,667 Views

QORAAL-CURINTA TOOLMOON

Tababbarrada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, 2018

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ka furmi doona tababbar ku saabsan qoraal-curinta toolmoon, gaar ahaan qaybaha maansada, riwaayadaha, filimmada iyo sheekada gaaban. Tababbarkani kuwii sannadihii ka horreeyay ayuu kaabayaa. Waana mid loogu talo galay in ay ka faa’idaystaan dadka ku hawlan qoraalcurinta, saxaafadda, ardeyda barata suugaanta iyo kuwii la mid ah.

Muddada tababbarku soconayaa waa toddobaad 13ka Julaay ilaa 18ka Julaay 2018, Xarunta Dhaqanka ayuuna ku qabsoomayaa. Waxa casharrada bixin doona barayaal ku xeeldheer qoraal-curinta toolmoon waxana, marti ku ahaan doona barayaal iyo xirfadlayaal warbaahinta ku jira oo la wadaagi doona ardeyda waaya-aragnimadooda. Siciid Saalax Axmed, Siciid Jaamac Xuseen, Cabdillaahi Cawed Cige, Saynab Aadan Sharci, Maxamed Baashe X. Xasan, Maxamuud Sheekh Dalmar, Cabdalla Cismaan Shafey, Maxamed Xirsi Guuleed, Maxamed Cali Xasan “Alto”, Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Tababbarku waa lacag-la’aan waxana lagu dhiirri gelinayaa dadka ku hawlan qoraalcurinta iyo kuwa warbaahinta ka shaqeeya, kuwaas oo loo kala tix gelinayo siday u soo kala horreeyaan.

Qofka danaynaya inuu ka qayb galo waxa looga baahan yahay:

  1. In uu yimaaddo xafiisyada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ku yaalla Shacabka, Waddada 26ka Juun ee wadnaha Hargeysa, isla markaana is qoro.

 

  1. In uu xubin ka yahay Xarunta Dhaqanka oo haystaa kaadhka xubinnimada, qofkii aan haysanna marka uu yimaaddo ayuu is diiwaan gelin karaa.

Wixii faahfaahin ah la soo xidhiidh cinwaanka courses@redsea-online.org

Macallin Siciid Jaamac Xuseen
Hagaha Sannadkan ee Tabobbarada Xarunta
Lifaaq: Casharrada lagu baranayo tabobbarka

CASHARRADA LAGU BARANAYO:

Aasaaska qoraalka Af Soomaaliga

Hordhaca aqoonta afafka
Sugitaanka naxwaha iyo xasilloonidarrada qoraalka Af Soomaaliga
Soohdimaha ereyada iyo astaamaha hadalka kala sooca
Doorka shaqalka iyo shibbanaha
Shibbanayaasha labanlaabma iyo higgaad-sixidda kale ee Af Soomaaliga

Qoraalcurinta suugaanta

Fikirka ka dhexeeya qoraalcurinta iyo qaybaha suugaanta
Riwaayadaha, qoraalkooda iyo jiliddooda
Filimmada, qoraalkooda iyo hagistooda
Maansada iyo abla-ablaynteeda
Sheekada gaaban iyo curinteeda

Af Soomaaliga iyo farsamada cusub

Agabka farsamada cusub iyo caqabadaha hor taagan Af Soomaaliga
Agabka farsamada cusub iyo miisaanka maansada
Kaydka Af Soomaaliga: iscugashada, is-ahaanshaha iyo abtirsiimada ereyga.

Isdiiwaangelintu waxa ay xidhmaysaa Salaasa, 10/07/2018, 2:30 pm. 

 

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa