Dhaxalreeb Magazine

3,391 Views

Dhaxalreeb – Muraayadda Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, 2009-2018

Dhaxalreeb waa xogxejiye sannadkiiba dhowr goor uga soo baxa Hargeysa qaabab kala duwan (ku daabacan waraaq, ku qaybsan mareegaha PDF, ku codaysan cajalado). Tan iyo markii uu bilaabmay oo ahayd sannadkii 2009-kii, waxa uu ahaa muraayadda Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ee laga dheehan karo hawlaha dhaqan, shaxan, waxbarasho, fan, faaqidaad, xusuusxejin, dood-wadaag iyo kaydba leh ee ka socda Xarunta. Waana hage aqooneed oo ay ku soo baxaan qoraallo cilmibaadhiseed oo aan kalgal sugan lahayni.

Sannadkan oo Xarunta Dhaqanku marti gelin doonto Bandhiggii 11aad ee Buugaagta Hargeysa, 40-guuradii aasaaska Ururka Caalamiga ah ee Cilmibaadhista Soomaalida oo ku beegan Shirwaynihii 13aad iyo Furitaanka Rasmiga ah ee hoyga cusub ee Xarunta, Dhaxalreeb waxa uu isna yeelanayaa soo bixitaan joogto ah, tifaftire cusub iyo gole talineed oo ballaadhan.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa waxa uu soo afmeeray tobankii sannadood ee u horreeyey ee ololaha dhigaalcurinta, akhriska iyo qoraalka noocayadiisa kala duwan. Ololahaas waxa baalal u ahaa Bandhigga Hargeysa iyo Buugaagta Wareegta, oo iyada oo la kaashanayo Naadiyada Akhriska, lagu dhiirri gelinayay in waddanka laga furo rugo wax akhris meel kasta.  Guusha ololahaasi waa mid muuqda oo tirada buugaagta la soo saaray ee Soomaaliga ku qoran iyo goobaha wax akhriska magaalooyinka dalku ba ay aad u koreen. Tiro ahaan markaa meel wanaagsan baynu maraynaa.

Tobanka sannadood ee hadda bilaabmay waxa ay hawlwadeennada Xaruntu xoogga saari doonaan tayaynta, mar haddii tiradii meel wanaagsan i noo marayso. Dhaxalreeb wejigiisa cusubna waxa uu ka turjumayaa tayaynta qoraalcurinta iyo waxqorista, waxaana aan ku han weynahay in uu noqon doono maraggii isbeddelka tayadaas.

Akhris wanaagsan

DhaxalReeb Final

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa