waxa aannu ogaysiinnaa bulshada ku xidhan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

1 View

Annaga oo raacayna go’aammadii dawladda Jamhuuriyadda Somaliland soo saartay ee ku saabsanaa ka hortagga caabuqa Corona (#COVID-19), waxa aannu ogaysiinnaa bulshada ku xidhan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa in muddo 4 toddobaad ah, oo ka bilaabmaysa maanta, oo ay taariikhdu tahay 18ka Maarj 2020, si ku meelgaadh ah loo xidhi doono maktabada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Haddaba, dhammaan akhristayaasha ku xidhan maktabadda waxa la ogaysiinayaa inay sidaa ula socdaan ilaa aannu go’aammo kale ka helayno hay’adaha caafimaad ee ku shaqada leh ee qaranka.

Waxa aannu idinku martiqaadaynaa in aad nagala socotaan degelkayaga Internet-ka (www. hargeysaculturalcenter.org) iyo baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter.

Sidoo kale, waxa aannu idin kula talinaynaa in ayadaan tegin meelaha laysugu yimaaddo, aadna raacdaan talaabooyinka caafimaad ee ka hortagga u ah fayraskan baahay, oo uu horreeyo faraxalku.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa