Haddii Kayd Jaamac inaga Tegay Dhaqan Gobannimo iyo Murtideed buu Inooga Tegay

32 Views

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”

Alle ha u naxariisto oo qabriga ha nuuro oo jannada ha uga guri dhigo.  Waxa uu ahaa nin dadka ka mid ah oo hadda na ka gooni ah.  Malaa qof waliba waa sidaas; tiisu se waa tu kale.  Marka laga tago inta bulsho ahaan loo wadaago, Kayd waxa uu ahaa nin wanaagga oo keli ah, ku soocan.  Waxa ku dhammayd inta Soomaalidii hore ku koobtay ee ku ururisay ereyga gobannimo.  Marka laga reebo xilliyada qasaaweselelka bulsheed, badanka dadku, gobannimo kama madhna, waase uun la kala badsadaa.  Waqtiga xaaladdu xun tahay ayaa la gartaa qofka ay gobannimo asal ka tahay. Maxamed Jaamac, Kayd( Allow kuu naxariiso), labada goorood ba waa la kumay, oo isku mid buu ahaa. Laf iyo  lud ba gob buu ahaa.

Dabayaaqadii toddobaatannadii qarnigii labaatanaad baan Kayd(Alle ha u naxariisto), Muqdisho, qof ahaan, ku la kulmay. Ka hor magaca Ima Jaamac-dhegoole, horraantii lixdanaadkii oo aan Burco arday ka ahaa, baan Bartay. Wuu iga yaraa, sidaas ayaanan asaga qof ahaan u xusuusan waagaas, halka aan ka xusuusto walaalladiisii ka weynaa, gaar ahaan, Cabdilcasiis Jaamac(Alle ha u naxariisto) oo aanu machadkii Burco arday ka wada ahayn, ka dib na aanu Qaahira isku sannado, waxbarasho u wada joognay.  Markan dambe, aniga oo asaga xuusuusta oo magac qoys ahaaneed iyo walaalladii ba ku garanaya, ayaan ku la kulmay Masraxii Ummadda ee Muqdisho; awaalaha se jiray noo ma suurogelinnin in aannu marar badan isaragno.  Kolkaaba se waxaan ku hubsaday shakhsiyad si aad ah u deggan oo degoqabow.  Xaalad baa lagu jiray xukun kalitalis ahi dadka xakame ku hayo. Waa xaalad wewer iyo walbahaar joogta lagu nool yahay.  Xaaladdan, Asaga oo kale, naftiisa iyo dadka dugsi buu u noqdaa.

Isaraggayagii noo xigay waxa uu ahaa Burco iyo 1991dii. Qalalaase daran oo halis ah baa taagnaa.  Ciidammo iyo hoggaan qabyaalad u kala soocan oo u kala fadhiya ayaa la la soo galay dhulka.  Malleeshiya qabaa’ilkaas ah oo hubaysan baa magaalada laba dhinac ka kala degay. Rasaas jaad walba leh oo aan kala go’ lahayn baa, hadha iyo habeen, magaalada dusheeda ka dhacaysay.  Hargeysi na la mid bay ahayd, Berbera na waxaa u dheeraa boob  ku socday dekedda wixii yaallay iyo wershaddii sibidhka oo la furfuranayey.  Madaxdii sare ee ururkii SNM lagu sheegay galbeed iyo bari bay magaalada Burco kala degeen.  Waa xaalad qasan oo aan cidi na gacan ku hayn ama aan cid na isku deyin qabashadeeda.  Hore ayaanu ammuurtan iyo digniinteeda dad isugu seegnay oo maalintan, waxa aan ahaa nin dhinac walba laga go’doomiyey.  Kayd baannu kulanay oo runtii is-hellay ama aan idhaahdo, anigu heshooday. Anigu warkii uu raadinayey ee waxan dhacaya u furfuray, baan malaha u ahaa; tayda se waan hubaa oo wehel iyo xidhiidh bulsheed buu ii noqday; meel i baannaanayd buu ii buuxiyey.

Maalmahan la yaabka badnaa baan Maxamed Jaamac (Kayd) Alle ha u naxariisto ee aad u bartay.  In badan oo ka dambaysay baanu isa sii badsannay oo sannado- ka hor, intii aanan carrada ka qurbojoogoobin –  ayaannu meel walba isku fadhi iyo wada-socod ahayn.  Waxaan bartay nin macnaha eryga gobannimo ku dhan yahay.  Waxaad tidhaa oo ku sifoobay degganaansho, sabir iyo dulqaad; nin aan ku dareensiinayn dhibaatada uu qabo ; nin aanad arkayn asaga oo cadhaysan; ama cid na haaraamaya ama cabanaya.

Qoys ballaadhan oo ka kooban xaas iyo ubad tira ah- kuwa uu asagu dhalay iyo agoon uu walaalo kaga tegay- ayaa dushisa ahaa, xaaladda dhaqaale ee dalka na waa la og yahay. Weligay ma arag, ma na filayo in la sheegi karo Kayd oo cid afka u kala qaaday, halka qayrkii maalin kasta xaduurka ku jiro.

Intii aannu soo kala maqnayn, si joogta ah, baannu telefoonka ugu wada hadlaynay. Mar walba asaga ayaa munaasabad iyo la’aanteed ba, ila soo xidhiidhayey oo salaanta iga la hormarayey.  Asaga oo kolkaas uun ka soo kabanaya xanuunkii faalijka ee ku dhacay ayaannu xidhiidhnay.  Waraysigii uu hadal ba holladay, ayuu telefoonka igu sheegay. Waxa uu yidhi “ cudurkii baa I soo booqday”.   Codkiisa iyo sida hadalku uga soo baxayo ayaan, marka horeba, ka gartay.  Waxa uu ii la haday sidii oo aan wax dhibaato ah oo haysaa jirin.  Wax kasta oo aan xaaladdiisa ka weydiiyo ba jawaabtiisu waxay ahayd ‘Alxamdullillaah iyo Alle mahaddii’ oo keli ah.  Asaga oo hadalku dirqi ku yahay, ayuu diidayey in uu xanuunka haya i dareensiiyo.  Hargeysa ayaanu ka dib sanad kasta, ku kulmaynay, asaga oo dhitinaya oo ul ku tukubaya.  Waa asagii oo qoslaya oo kaftamaya; xaalkiisu asaga kol kasta ba waa “Ilaahay mahaddii”.  Waxaan idhi gobannimooy yaa adduunka maanta kuu jooga, haddii Maxamed Jaamac, kayd, ay geeri qaadday. Gobannimada, sidii ay Soomaalidii hore u taqaannay, asaga ahaa. Ama dheh gobannimadii oo qof soconaya laga dhigay buu ahaa.

Anshax iyo dad-ladhaqanka wacani waa cashar qofkii leh laga barto. Sidaas darteed dhaqanka gobannimo waa dhaxal nool oo ku dayasho leh. Waxa se laga akhrisan doonaa oo uu Kayd, Alle ha u naxriisto, ee inooga tegay murti suugaaneed oo hodan ah; taas oo ku kaydsan warqadihii uu ku qoray.   Halabuur buu ahaa abwaan ku ah.  Waa suugaan fariinteedu samo-wada tahay gobannimadiisii na xambaarsan.  Waxay inaga sugaysaa in aynu soo ururinnno, tifaftirno oo ayada oo daabacan soo saarno.  Keennii sii noolna waa u faa’iido, asaga na sadaqo jaariya aye,y inshaallaahu, u noqon.  Alle ha u naxariito

Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”  November 25, 2016

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form





Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa