Heesta “HOOYOY LA’AANTAA” ee Hadraawi

2,683 Views

  • Start : 2019/06/13 19:00
  • End : 2019/06/13 21:00

Falanqaynta iyo doodwadaagga maansada “HOOYOY LA’AANTAA” ee M.I.W. Hadraawi curiyey waxay ku saabsan tahay kaalinta baaxadda weyn ee hooyadu ka qaadato jiritaanka iyo horumarka bulshadeenna.

Siyaalo kala duwan ayay dooddani u kala qeexaysaa qaybaha kaalinta hooyadu u kala baxaan, laga soo bilaabo ubadkorinta ilaa bulshodhiska.

Waxa si waafi ah looga hadlayaa sida diinteenna Islaamku u sifaysay maqaamka hooyada iyo qaddarinta ummaddu u hayso hooyada iyo xilgudashadeeda.

Doodwadaaggaas waxa ibafuraya Rooble Cabdi Muuse oo suugaanyahan maansooyinka falanqeeya ah. Waxa kale oo ka qaybgelaya Sh. Maxamuud Sh. Dalmar oo ka hadli doona qiimaha ay diinteennu siisay hooyada iyo Sahra Jibriil oo ka hadli doonta sifada hooyanimada iyo sida wakhtigu u saamayn karo. 

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa