- Start : 2019/07/03 19:00
- End : 2019/07/03 21:00
Cabsida iyo kalsoonidarrada ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee ka hor istaaga qofka in uu dad soo hor istaago. Haddii labadaa lala tacaalo, waxa kordha isla markaana awood yeesha dhiirranaanta qofka ee fagaare-ka-hadalka. Marka laga tago sida loo kala aftahansan yahay marka hore, haddana fagaare-ka-hadalku waa xirfad ka bilaabanta kalsoonida, Haddaba sidee ayaa labadaa qodob la isu waafajin karaa si qofku u soo hor istaagi karo dad, isaga oo maskax ahaan diyaarsan?
Kulankan dadweyne waxa lagu falanqayn doonaa qodobbadan iyo kuwo kale oo ay martida barnaamijku i nala wadaagi doonaan iyaga oo ka tusaale qaadanaya khibraddooda.
Maxamed Cumar waa Tababare, Hage iyo Lataliye dhanka ganacsiga iyo hoggaaminta ah. Sidoo kale waa Dhiirrigeliye Nololeed oo aad looga yaqaanno geyiga Soomaalida iyo meelo kale oo dunida ahba. Maxamed waxyaabaha uu caanka ku yahay waxa ka mid ah fagaare-ka-hadalka oo marka uu hadlayo aan la nuuxsan. Wuxuu dhiirrigeliyay kumannaan dhallinyar ah oo Soomaali ah, wuxuuna tababarro u qabtay tiro kale oo qaybaha bulshada ah sida: ganacsatada, dadyowga ururrada ka masuulka ah iyo masuuliyiin dawladeed. Maxamed wuxuu u taagan yahay mar walba ah dardargelinta iyo horumarinta maan-hagga.
Molinge Henry waa qoraa abaalmarinno badan ku guulaystay, waa hage ka hadla fagaarayaasha caalamiga ah waana qof u dhaqdhaqaaqa nabadda oo u dhashay dalka Cameroon. Madalaha boqolka kor u dhaafaya ee uu Afrika gudaheeda ka diyaariyay, waxa uu kaga hadlaa nabadaynta, dhiirrigelinta dhallinyarta iyo naftooda. Waxa uu u doodaa xuquuqda dadka aan codka lahayn. Waxa uu shaqadiisa ku badbaadiyey in ka badan toban kun oo dhallinyaro ah oo ku biiri lahaa dhaqdhaqaaqyo hubaysan.
Muna Axmed Cumar ayaa daaddihin doonta barnaamijka.
Goobta: Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa
Goorta: Arbaca, 3-da Julaay 2019, 07.45 fiidnimo