Buugta Carruurta: Kaalintooda Barbaarinnimo

1 View

  • Start : 2019/06/20 19:00
  • End : 2019/06/20 21:00

Bulsho toosinteedu waxay ka bilaabantaa barbaarinta dhallaanka iyo carruurta soo koraysa. Xilkaas qaayaha weyn leh, dadyow kala duwan iyo hay’ado dawladeed ayaa ka wada qayb qaata. Hooyada ayaa u horreysa, dugsiyada xannaanada iyo waxbarashada ayaa ka mid ah.

Intaas waxa soo raaca aqoonyahanka Soomaalida ee dejiya buugta carruurta barbaarintooda loogu talogalay.

Barnaamijkani wuxuu iftiiminayaa kaalinta buugta iyo farshaxanku ka qaataan barbaarinta iyo korriimada toosan ee carruurta Soomaalida. Sidaas awgeed, barnaamijkan lagu qabanayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa maalinta Khamiista 20-ka Juun 2019, waxa kulankaas hadallo ka jeedinaya:

1. Muuse Maxamuud Ciise “Dalmar” – qoraa buugaagta carruurta qaybahooda kala duwan, turjumana kuwa ku habboon. Ahna tifaftiraha magaasiinka “Carruurteenna”, kaasi oo ku soo baxa afafka Soomaaliga iyo Iswiidhishka.
2. Hana Daa’uud – barbaariye carruurta oo booqata goobaha xannaanada carruurta, sheekooyinna u akhrida.
3. Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf “Dhegey” – qoraa buugaagta carruurta, kuwo kalena u turjuma.
4. Bodhari Warsame – qoraa dhinacyo kala duwan wax ka qora, sidoo kalena turjumay buugaag kale.
5. Nujuum Arts – Farshaxan ku caan ah soobandhigidda sawirrada iyo tusaalooyinka kala duwan ee arrimaha bulshada iyo kuwo carruurta xiiso-geliya, barbaarintoodana kaalin wacan ka qaadata.

Waxa kale oo goobta waxa laga heli doonaa buugta ay qoreen qoraayadu, diyaarna u ah ciddii danaynaysa.

Barnaamijku waxa uu bilaabmi doonaa 07.45 fiidnimo, Khamiista, 20-ka Juun 2019.

Waa madal furan oo aan kaadh lagu geli doonin

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa