Ilbaxnimadii Islaamka iyo Saamaynta ay ku yeelatay adduunyada inteeda kale.

Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Waxa hagaya Sheekh Almis Yaxye

Soo ifbixii Islaamka ee qarnigii 7aad iyo aasaasiddii imbraadoriyaddii Islaamka ayaa soo shaacbixisey muddo lix qarni ah hormur ku socda xawli aan hore loo arag, oo taabanaya dhinacyo badan oo aqoonta ah. Kolkii ay Yurub ku jirtey wixi loo yaqaannay xilligii mugdiga, ayaa aasaaska xaddaaradda adduunku ka dhismaysay xarumo cilmiga ee adduunka muslimka ah, sida Baqdaad, Dimishiq, Qaahira, Kordova, Baleermo iyo kuwa kale.

Guuliihii aqoonta iyo cilmibaadhista ee culuunta kala duwan, sida xisaabta, falagga, fiisikada kimikada, caafimaadka iyo in ka badan oo ah cilmiyada dabeecada, ayaa midhodhal noqday. Taasi waa sheekada werinaysa casrigii dahabiga ahaa ee ilbaxnimada Islaamka ee sida qotoda dheer u beddeshay wejigii adduunka.

Intaas iyo in kabadanba waa hubaal inaad waxbadan korodhsan doonto hooska daawo mawduucaasi oo dhamaystiran

Check Also

1

Djibouti Delegation led by the President of the University of Djibouti, Dr. Djama Mohamed Hassan, and ….

Djibouti Delegation led by the President of the University of Djibouti, Dr. Djama Mohamed Hassan, …