Hargeysa iyo Habeenka Cabdillaahi Xasan Ganay

1 View

Daaddihiye: Rooble Cabdi Muuse

Cabdillaahi Xasan Ganey waxa uu ka mid yahay halabuurka suugaanyahanka ah ee Somaliland. Cabdillaahi waxa uu in muddo ah ka maqnaa dalka. Waxa uu suugaantiisa ku suntan arrimaha bulshada intooda badan ka soo tiriyey dalka Maraykanka. Cabdillaahi waxa kale oo uu aad caan ugu yahay samaynta heesaha, kuwaas oo ay qaadaan fannaaniin tiro badan. Barnaamijkani waxa uu ahaa kii u horreeyey ee uu dalka ku qabto sannadka 2017-ka. Waxa ka soo qayb galay dhallinyaro aad u tiro badan oo xiisaynayey suugaantiisa.

Sidoo kale waxa uu barnaamijkani u gudbay gobolka Togdheer, caasimaddiisa Burco. Barnaamijkaas Burco waxa Cabdillaahi X. Ganey ku wehelinayey abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo abwaan Xasan Daahir “Weedhsame.” Maalintan oo ku beegnayd 25-kii Agoost 2017 ayaa waxa ka soo qayb galay tiro ka badan 900 oo qof.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa