Bandhigga Buugga “Aqoon Baa Aroostay Qabyaalad”

826 Views

  • Start : 2019/04/18 19:00
  • End : 2019/04/18 21:00

Abwaan Maxamed Aw Cismaan Maxabe “Maxamed-Dheere” kolkii uu dhammaystay dugsigii sare ee Faarax Oomaar, waxa uu ku soo baxay barmaamijkii Heesaha Hirgalay oo lagu qabtay Beerta Xorriyadda, Hargeysa, 1975, isla markiibana ku biirey kooxdii Janaraal Daa’uud ee Xoogga Dalka, isagoo horeba uga tirsanaa ciidammada. Riwaayadihii uu ka qayb galay ee jilaaga iyo heesaaga ka ahaa waxa ugu horreysay “Nin Qasbaaya Jacayl Ma Loo Quudhi Karaa?” Waxa kale oo uu jilay “Farxadi Waa Naxdin,” “Waalidkii Ubadkiisa La Wadaagay Jacaylka,” “Wed Jacayl Ma Yaqaan,” “Warmo Caashaq” iyo kuwa kale oo xilligaas ahaa. Muddadii Somaliland dib u soo noqotay waxa uu allifey riwaayado iyo maansooyin
dalka ku hagaya wadanoolaanshaha, dib-u-dhiska iyo kasookabashada xanuunkii dagaallada. Waxa ka mid ahaa majaajilladii “Sharkii Khayr Baa Beddelay” iyo “Adduunyoy Shaadirey,” “Xidhmadii Ubaxa Xabiibi Gudddon,” iyo “Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon.”

Buuggiisan “Aqoon Baa Aroostay Qabyaalad” waxa ku jira maansooyin, majaajillooyin iyo curin kale oo ummadda u sheegaysa sida aanay qabyaaladda iyo qarandhisku isu qaban karin, halistuna ay tahay kolka aqoonyahankeedu ka kori waayo qabyaaladda.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa